Swedishka iyo sida ay u arkaan dhaqamada kala duwan

6

Cilmi baaris ay sameysay jaamacada Uppsala ayaa lagu soo bandhigay in dadka Swedishka inta badan ay la dhacsanyihiin dhaqamada kala duwan ee bulshada dalkaan ku nool. Sanadkii hore 5.7% dadkii la waydiiyay sida ay u arkaan dhaqamada kala duwan ayaa aad u diidanaa halka sanadkaan ay tiradaas hoos ugu dhacday 4.9%.

Sida lagu soo bandhigay cilmi baarista, dumarka ayaa ka aragti wanaagsan ragga marka laga hadlayo dhaqamada kala duwan. Tirada dumarka ah ee diidan dhaqamada kala duwan ayaa kala bar ka yar mida ragga.

Balse 80% ragga iyo dumarka ayaa waxay shuruud adag duldhigeen dadka soo galootiga ah iyagoo dalbanaya in ay qaataan dabeecadaha iyo hab dhaqanka dadka Swedishka ah.

Arinta dhaqamada kala duwan ayaa ah mid dood dheer ka dhalisay wadamada Yurub iyadoo kuwa cunsuriyiinta ah ay sheegaan in aan loo baahnayn bulsho dhaqamo kala duwan leh balse la doonayo in dadka oo dhan ay isku hal dhaqan qaataan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here