Darawalada basaska Jönköping oo laga mamnuucay in ay ku hadlaan luuqadaha kale

4

War cusub: Maamulka sare ee shirka Keolis ayaa ka laabtay go’aanka.

Darawalada basaska magaalada Jönköping ayaa laga bilaaba xagaaga lagu amray in ay ku hadlaan Swedish oo keliya waqtiga ay shaqada ku jiraan iyo xitaa waqtiga nasashada. Shirkada Keolis oo la wareegeysa adeega basaska ayaa kunturaada cusub ee dhamaan shaqaalaha saxiixayaan ku cadeysay in dhamaan lagu hadlo Swedish.

Arinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in xitaa waqtiga shaqaaluhu ay ku jiraan maqaaxita oo ay nasanayaan laga doonayo in ay ku hadlaan Swedish oo aysan darawalada kale ee ka soo jeeda dalkooda kula hadli karin luuqadooda.

Qofkii u hogaansami waaya sharcigaan cusub ayay macquul tahay in shaqada laga cayriyo sida lagu qoray kunturaada.

Madaxa ururka darawalada ayaa sheegay in dhibaato ay tahay in dhowr luuqadood lagu hadlo asagoo sheegay in markii maqaaxida la fadhiyo ee dhowr luuqadood lagu hadlo dadku ay ku wareerayaan, intaas ayuu ku daray in dadka qaarkood marka ay luuqadooda ku hadlayaan ay qayliyaan asagoo tusaale u soo qaaday luuqada Talyaaniga.

Maamulka kamuunka Jönköping ayaa sheegay in aysan dhibaato u arkin shuruudaan balse Xeer ilaaliyaha Sinaanshaha (DO) ayaa sheegay in haddii ay dacwo soo gaarto ay arintaan eegayaan.

Arintaan ayaa u muuqata cunsuriyad loogu dan leeyahay darawalada soo galootiga ah oo qaarkood ay macquul tahay in aysan ku hadli karin Swedish. Mida kale waxaa la is dhihi karaa tani waxay shirkada marmarsiyo u siineysaa in ay ceyriyaan shaqaalaha soo galootiga ah oo ay Swedish ku badalaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here