Home Wararka Maanta Caasimada Oslo oo sadax Qof lagu tooreeyay iyo Wararka kale ee ugu...

Caasimada Oslo oo sadax Qof lagu tooreeyay iyo Wararka kale ee ugu muhiimsan Norway

0

Wararka laga helayo Caasimada Norway ayaa sheegay in nin sitay toorey uu ku dhuftay sadax qof kuwaasi oo labo kamid ah xaaladooda laga deerinayo falka ayaana ka dhacay nawaaxiga Ammerud ee caasimada Oslo.

” waxaa jira dad badan oo nala soo xiriiray kuwaasi oo noo sheegay dhibaatada ka dhacday goobta markii aan gaarnay waxaa la kulanay dhibaato ka dhacday halkan ” sida waxaa sheegay afayeen u hadlay booliska Caasimada Oslo”

booliska ayaa intaasi ku daray in sadaxda qof la dhigay isbitaalka Ullevål Hospital halkaasi oo xaaladooda lagula tacaalayo iyadoo labo kamid ah ay xaaladooda ay tahay mid adag halka mid ka kale uu fududyahay.

Warar kale ee ugu weyn Norway

xaalada shaqo la’anta ee ajaanibta Norway ayaa saro u kacday sida laga soo xigtay xafiiska shaqada bishii february heerka shaqo la’anta ayaa ahaa 5.5 boqolkii halka maanta uu gaaray 17.7 boqolkiiba.

ugu danbeyn Raisal Wasaaraha Norway Erna Solberg ayaa soo jeedisay in Shaqada Barlamaanka ay sii socoto xiliga Xagaaga markaasi oo Barlamaanka Fasax galayo mudo sideed isbuuc ah waxay sheegtay in xaalada lagu jiro ay tahay in Barlamaanka uu sii shaqeeyo waqtigaasi lakin wali arinkaasi lama cadeen.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here