Home News in English Wararka ugu muhiimsan:- Midowga Yurub oo ansixiyay Sharci Qaxootiga ah, Booliska Sweden...

Wararka ugu muhiimsan:- Midowga Yurub oo ansixiyay Sharci Qaxootiga ah, Booliska Sweden oo digniin soo saaray iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada wararka maanta ugu muhiimsanaa oo kooban kuwaasi oo warbaahinta Somaliska.com idin soo diyaarisay waana qeyb ku cusub akhristayaasha Wararkeena.

Barlamaanka Yurub oo Sharci cusub Ansixiyay.

Barlamaanka Midowga yurub ayaa ansixiyay Sharci Cusub kaasi oo dhigaya in Ciidan loo sameeyo Xaduuda Dalalka ka tirsan Midowga Yurub waxana ugu muhiimsan Dalka gariiga.

Ciidanka oo tiradooda gaaraya 10,000 kun ayaa loogu tala galay in xaduuda midowga yurub ka ilaaliyaan qaxootiga sida sharci darada ku imaanaya yurub.

Qodobkan isagoo FaahFaahsan lasoco goor dhow

Booliska Sweden oo digniin soo saaray.

Booliska sweden ayaa soo saaray digniin la xiriirta tuugo dhac u geesan karta guryaha la dagan yahay kuwaasi oo muhiimadooda tahay in ay qaataan dahabka ku jira.

Digniinta booliska ayaa la xiriirta xiliga Fasaxa ee lagu jiro madama dadka badankooda ay ka tagayaan guryahooda taasi oo fursad siin karta tuugada.

Malmö Booliska oo toogtay qof tooray watay.

Booliska Magaalada Malmö ayaa lug ka toogtay qof sitay tooray kadib markii booliska lagu wargaliyay ninkaasi falka ayaana ka dhacay xaafada Skabersjögatan.

Toogashada booliska ayaa timid kadib markii booliska iyo ninkasi uu muran dhexmaray iyadoo marka hore xabado digniin ah lagu furay.

Digniin laga soo saaray Dabka

inkastoo xiliga Xagaaga uusan bilaaban hadana degmooyinka sweden ayaa lagu wargaliyay digniin la xiriirta in aan dab lagu shidin dhulka keymaha.

Norway Xisbi soo jeediyay in Caruurta Suuriya lasoo qaado.

Xisbiyada Dalka Norway ayaa isku khilaafsan keenista wadanka Caruurta ku sugan dalka suuriya ee waalidkooda ka dhinac dagaalamay Kooxda Daacish.

Xubin ka tirsan Xisbiga Frp ayaa soo jeedisay in caruurtaasi la keeno dalka isla markana lagu heenin nolasha adag ee gudaha kamamka suuriya.

Waa naga intaas Wararka ugu Muhiimsanaa ee Maanta

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here