28 Juni: Wararka maanta ugu waaweyn

12

Qeybtaan waxaan ku soo bandhigeynaa dhacdooyinka iyo wararka ugu waaweyn ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ay hadal hayeen saxaafada Sweden. Qaasatan kuwa quseeya arimaha soo galootiga iyo Soomaalida.

1. Daryeelka caafimaadka dadka aan sharciga lahayd – Dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa ugu dambeyntii heshiis ka gaaray in daryeel caafimaad la siiyo dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dhuumashada ku jooga Sweden. Daryeelkaan ayaa noqonaya mid la mid ah kan ay helaan dadka sharciga leh. Dowlada ayaa hada diyaarineysa sharciga quseeya arintaan. Shuruuda in dadka aan sharciga lahayn ay daryeel caafimaad helaan ayaa ahayd arimaha uu xisbiga Miljöpartiet xooga saarayay.

2. Rabshado ka dhacay Tensta – Gaadiidka booliska ayaa waxyeelo lagu gaarsiiyay xaafada Tensta habeenkii xalay ka dib markii ay dhalanyo xaafadaas ku nool rabshado balaaran sameeyeen. Arinta ayaa la sheegay in ay ka bilaabatay ka dib markii dhalinyaradaas ay garaaceen mid ka mid ah waardiyaasha xaafada, ka dibna markii Boolisku yimid ay dhagaxaan iyo dagaal mudo socday ay la galeen. Booliska ayaa ilaa 18 baabuur ku yimid goobta iyadoo aysan ugu dambeyntii ku guuleysan in ay soo xiraan qofna.

3. Imaam shaqada laga cayriyaySidii hada ka hor aan ku soo qornay mowduuc ku saabsan in la basaasay masaajida ugu waaweyn Sweden, ayaa taasi waxay keentay in mid ka mid ah raggii kaamirada laga duubay ee ka hawl gala masaajidka weyn ee Stockholm shaqada laga cayriyo. Ninkaan oo masuul ka ahaa qeybta tala bixinta qoysaska ayaa lagu eedeeyay in uusan si hufan shaqadiisa u gudan. Isla markaana uu soo bandhigay fikrado kala duwan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here