Home Wararka Maanta Norway ” Waxaa jira dhimashada 13 Qof oo lala xiriirinayo Talaalka Corona...

Norway ” Waxaa jira dhimashada 13 Qof oo lala xiriirinayo Talaalka Corona ”

0

Dowlada Norway ayaa sheegay in ay jiraan ku dhawaad 13 Qof kuwaasi oo dhimashadooda ay timaaday kadib Talaalka Corona ay qaateen waxana warbixintan soo saartay qeybta Dawooyinka u qaabilsan Dalka eer (Legemiddelverket) kuwaasi warbixintooda ku daray in ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadan.

Hay’ada ayaa intaasi ku dartay in dadka dhintay ay da’dooda ka sareyso 80 sano jir isla markana gaarayaan 23 Qof iyadoo markaa la xaqiijiyay in 13 qof oo kamid ah ay saameyn ku yeelatay talaalka.

Ma aragno wax cabsi gelinaya tirooyinkaas. Geerida oo dhan waxay ku dhacdaa dadka waayeelka ah iyo dadka jilicsan ee qaba cudurrada hoose, ayay tiri Madsen.

Hay’adda daawooyinka ee Norwey ayaa horey uga digtay in dad badan ay u dhintaan – laakiin daruuri maahan – tallaalka: Dadka deggan guryaha dadka waayeelka ah ayaa ah kuwa ugu horreeya ee mudnaanta la siinayo safka tallaalka, guryaha lagu daryeelo ee Norwey oo dad badani aad ugu xanuunsadaan , celcelis ahaan qiyaastii 350 – 400 qof ayaa u dhinta isbuuci.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here