Home Wararka Maanta Muslimiinta Norway oo soo saaray go’an la xiriira Soonka iyo Ciidaha

Muslimiinta Norway oo soo saaray go’an la xiriira Soonka iyo Ciidaha

0

ku dhawaad 80 Masjid oo ka dhisan Dalka Norway oo yeeshay kulan ayaa ugu danbeyn waxay ka heshiiyeen khilaaf dhexdooda ka jira oo ku aadan maalinta ugu horeysa ee Ciida iyo Maalinta Soonka ugu horeysa.

Kulanka ay yeesheen 80 Urur ee hormuudka u ah Masaajida Norway waxaa soo qaban qaabiyay labada Urur ee dhanka Islaamiga ugu weyn sida uu qoray Joornalka VÃ¥rtland ee dalka Norway.

Heshiiskani ayaa noqonaya mid taariikhi ah isla markana looga gudbayo khilaaf mudo dheer soo jiitamayay sida uu Senaid u sheegay Joornaalka VÃ¥rtland.

Faa’idooyinka laga helayo mideynta guud ahaan masaajida Norway waxaa kamid ah in ay sii qaataan Fasaxa maalinta Ciida si ay ugu beegaan maalintaasi muhiimka ah iyadoo Culumada Dalka ay isticmaalayaan Hal Calender oo laga tusaale qaadanayo.

Guud ahaan Dadka ku nool Caalamka ayaa isku khilaafa maalinta ciida Saxda ama maalinta ugu horeysa Soonka taasi oo salka ku heysa Masaajida ay ku xiranyihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here