Home Wararka Maanta Xidhibaan SD: Sweden waa wadanka ugu cunsuriyada yar Aduunka

Xidhibaan SD: Sweden waa wadanka ugu cunsuriyada yar Aduunka

0

Xildhibaan ka tirsan xisbiga midigta fog ee Sweden Democratic Party, Matthias Carlson ayaa sheegay in Sweden ay tahay wadanka ugu cunsuriyada yar aduunka.

Tani waxay ku timid wareysi uu siiyay telefishanka Iswiidhan kaas oo uu uga hadlay qaar kamid ah saaxiibadiisa xisbiga ee madowga ah oo dhibaato kala kulamay xagjiriinta Nazi ee Sweden.

 Urur Naasiyiin ah ayaa in yar ka hor, calamado ka taagay bannaanka guriga Carlson, oo ku amraya lammaanaha is nacayb iyo hanjabaad ku aadan midabkiisa.

 Wuxuu faallo ka bixiyay dhacdadan isagoo leh, “Tani waxay u badan tahay inaan waligeed dhicin haddii aanan ahaan lahayn qof caan ah.”

“Waxaan u bartay hanjabaad iyo rabshad, laakiin ma jecli intaasi ku dhacdo saxiibka aan shaqo wadaaga nahay lakin waxay u ahayd xilli aad u adag ”

Carlson wuxuu muujiyay nacaybka uu u qabo Naasiyiinta, laakiin wuxuu yiri inkasta oo ay jiraan dhacdooyin la mid ah, “Sweden waxaa laga yaabaa inay tahay wadanka ugu cunsuriyada yar aduunka.”

Wuxuuna tixgaliyay arintaas, guud ahaan, ma aaminsani in cunsuriyad baahsan ay kajirto bulshada iswiidhishka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here