Home Wararka Maanta Xaafada Tensta oo Sadex qof lagu toogtay goor dhow oo caawa ah

Xaafada Tensta oo Sadex qof lagu toogtay goor dhow oo caawa ah

0

Toogasho ayaa ka dhacday Caawa xaafada Tensta ee waqooyi galbeed ee Caasimada Stockholm waxana la xaqiijiyay in Saddex qof ay ku dhaawacmeen.

toogashada ayaa dhacday abaaro 21.46 fiidnimo waxaanan bilownay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan falka toogashada sida uu sheegay Anders Bryngelsson, afhayeenka saxaafadda ee booliska Stockholm.

Mid ka mid ah dadka la dhaawacay ayaa laga dhex helay guri dabaq ah sida ay booliska ay sheegeen..

Booliska ayaa xiray aaga dhibaatada ay ka dhacday  iyadoo Laba qof lagu toogtay Tensta Centrum halka qofka saddexaadna lagu toogtay guri.

Qof ku nool meel u dhow ayaa sheegaya inuu maqlay dhowr xabbadood oo la ridayo.

marka laga soo tago toogashada dhacday caawa ma jirto faafaahin dheeri ah oo booliska ka baxshay arintan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here