Home Wararka Maanta Raisel Wasaaraha Sweden oo lagu heesto goob Dukaan oo uu booqday

Raisel Wasaaraha Sweden oo lagu heesto goob Dukaan oo uu booqday

0

Raisel wasaaraha Sweden ayaa Dadweynaha ugu baaqay in ay joogaan guryahooda iskana ilaaliyaan booqashada Dukaamada xiliga Fasaxa si looga hortago Xanuunka Corona lakin taasi badankeeda isaga ayaa booqday mid kamid ah Dukaamada Stockhom.

Stefan Löfven ayaa tagay kana soo dukaameestay Dukaan ku yaalla Kungsgatan Bartamaha Caasimada Stockholm isagoo raadinaya Qalab ka Ciladoobay Makiinad uu ku heesto guriga.

Qaar kamid ah warbaahinta iyo Siyaasiyiinta ayaa ku dhaleeceeyay Falkaan uu sameeyay maalin ka hor maalinta Ciida isagoo dadka uga digay booqshada goobahaasi.

Afayeen u hadlay Raisal’Wasaaraha isla markana Qoraal la wadaagay Idaacada P3 waxa uu sheegay in ay jirto arintaasi isla markana stefan tagay Dukaanka maalin ka hor maalinta Ciida.

Warbaahinta ayaa dhanka kale tabineysa Masuuliyiin kale oo lagu arkay Goobo Dalxiis xili uu sii faafayo Xanuunka Corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here