Home Wararka Caalamka Gaari Xamuul ah oo la jiirsiiyay Haweeney iyo Labo Caruur ah oo...

Gaari Xamuul ah oo la jiirsiiyay Haweeney iyo Labo Caruur ah oo ay dhashay gudaha Germany

0

Gaari xamuul ah ayaa jiiray hooyo iyo labadeeda carruur ah oo ku sugnaa waddo socodka iyo baaskiil loogu tala galay oo ku taal Lukau gobolka Brandenburg ee bariga Jarmalka

booliisku wuxuu ku dhawaaqay in shilku uu sababay dhimashada haweeney 41 jir ah. Sida laga soo xigtay booliska, haweeneyda ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac culus, waxayna ku dhimatay isbitaalka.

Shilka ayaa sidoo kale sababay dhaawaca labadeeda gabdhood oo kala jira (hal sano iyo saddex iyo toban jir) kuwaasi oo dhaawacooda fududyahay.

Booliska ayaa xiray darawalkii gaariga xamuulka qaada oo 22 jir ah, oo sii waday gaariga shilka kadib, waxayna xireen goor dambe kadib markii ay isku dhaceen geed ku yaal keymo u dhow qeybta B 87. Booliiska ayaa hada baaraya ujeedada dambiga

Sida laga soo xigtay websaydhada Jarmalka IR Online, natiijada baadhista aalkolada darawalka ayaa muujisay inay tahay mid taban – taasoo la micno ah in darawalka uusan sakhraansaneyn waqtiga shilka. Sidoo kale, baaritaanka dhiigga ayaa muujiyay in aysan jirin daroogo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here