Home Wararka Denmark Denmark oo kordhisay mudada waalidka uu helayo kaalmada dhaqaalaha ee Caruurta laga...

Denmark oo kordhisay mudada waalidka uu helayo kaalmada dhaqaalaha ee Caruurta laga soo celiyay iskuulka

0

Caawinta qoysaska leh carruurta dib looga soo celiyey iskuulka iyo kooxaha nugul Xanuunka Coronavirus ayaa la kordhiyey illaa iyo 31-ka Maarso 2021.

Sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Shaqo-gelinta war-saxaafadeed kasoo baxay maanta oo lagu shaaciyay waqtiga la kordhiyay .

Tani waxay sii dheereyneysaa suurtagalnimada helitaanka dheefaha hooyonimada ee waalidiinta carruurtooda loo diray guriga xili ay dhiganayeen dugsiga ama machadka sababo la xiriira coronavirus, iyo suurtagalnimada helitaanka dheefaha jirrada ee dadka ku jira kooxaha halista gaarka ah leh.

Xuquuqda shaqo-bixiyeyaasha ee ah inay magdhaw ka helaan maalinta ugu horreysa ee maqnaanshaha shaqaalaha cudurka qaba ama karantiil ku jira ayaa sidoo kale la kordhiyay.

Dowlada Denmark ayaa sameeneyso qorshayaal badan oo la xiriira dhanka Corona iyadoo la filayo in dowlada soo saarto xayiraado cusub oo Caasimada ah kadib Cudurka Corona uu ku sii kordhay sida ay sheegtay Raisal Wasaaraha wadanka.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here