Home Wararka Maanta Somalida Norway oo Xildhibaan yeelanaya Taariikhda Markii ugu horeysay

Somalida Norway oo Xildhibaan yeelanaya Taariikhda Markii ugu horeysay

0
Photo SV.NO

Marian Abdi Hussein oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Somaliya ayaa gashay booska labaad ee Musharixiinta Xisiga SV uga tartamaya Caasimada Oslo oo magaalo ahaan loogu tartamayo.

codeenta loo codeeyay in Marian Abdi Hussein u tartarto booska labaad ayaa timid kadib shirweyne uu Xisbiga yeeshay maalinta isniinta kaasi oo ka dhacay Caasimada Oslo.

iyadoo oo loo eegayo tirakoobyada kala duwan ee Xisbiga marka ay timaado Caasimada Oslo waxaa la hubaa in ay Marian Abdi Hussein noqoneyso Xildhibaan kamid ah Barlamaanka.

Labo Taariikh ayay dhigidoonta marka Marian Abdi Hussein ay fadhiisato Barlamaanka Norway mida ugu horeysa ayaa ah in ay kasoo muuqato hoolka Barlamaanka iyado xiran Xijaab mida labaad ayaa noqoneysa Qofkii ugu horeeyay ee Somali ah kaasi oo kasoo muuqday Barlamaanka.

Somalida ku nool Norway ayaa kasoo baxaya mudo dhoor oo u suuragalin kamid noqoshada Barlamaanka Norway.

Xisbiyo badan oo ka jira wadanka Norway ayaa kasoo horjeeda islaamka waxaana dhici karta in Marian Abdi Hussein ay dhibaato kala kulanto xisbiyadaasi.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here