Home Wararka Caalamka Khilaaf u dhaxeeya Dowlada UK iyo Midowga Yurub Xili Mudo Bil ah...

Khilaaf u dhaxeeya Dowlada UK iyo Midowga Yurub Xili Mudo Bil ah ay ka hartay ka bixitaankooda EU

0
Photo / PA

In kasta oo ay hadda hartay bil keliya marka ugu danbeysa ee Boqortooyada Midowday ay ka baxeyso Midowga Yurub , haddana wadanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub weli ma aysan ku heshiin heshiis ganacsi oo xor ah iyo iskaashi, kaasoo qeexaya qaar ka mid ah qaab dhismeedka xiriirkooda cusub.

sida uu qabo Wasiirka Ingiriiska Michael Gove, oo mas’uulka ka ah Brexit, lama hubo in dhinacyadu ay heshiin karaan. Tani waxay ka dhigan tahay, in canshuur lagu soo rogi doono badeecadaha ay EU-da iyo UK ay iska iibinayaan midba midka kale.

– Waannu xoojinay geeddi-socodka gorgortanka, laakiin waa muhiim in EU-da ay sidoo kale ka soo baxdo waajibaadkeeda, ayuu yidhi wasiirku.

Wadaxaajoodyada lala galayo Midowga Yurub ayaa hadda ka socda magaalada London .

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa shalay sheegtay in wadamada midowga yurub aysan aqbali doonin heshiis qiima kasta haku yimaadee – laakiin waxay tiri “waxay calaamo xun u direysaa aduunka intiisa kale hadii aan ku guuldareysano heshiis”.

inkastoo Wadamada ay diirada saarayaan dhanka ganacsiga hadana waxaa jira arimo badan sida dhanka muwaadiniinta wadamada yurub ee hada isku furan.

somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here