Home Wararka Caalamka Germany ku dhawaad 15 Qof oo ku dhaawacantay nin gaari jiirsiiyay dad...

Germany ku dhawaad 15 Qof oo ku dhaawacantay nin gaari jiirsiiyay dad Shacab ah

0
Photo by Jean-Christophe VERHAEGEN / AFP

Ilmo yar oo sagaal bilood jira iyo haweeney 73 jir ah ayaa ka mid ah 15 qof ka dib markii nin 51 jir ah uu baabuurkiisa jiirsiiyay dad marayay bartamaha magaalada Jarmalka ee Trier ee gobolka Rhineland-Palatinate goor sii horreysay maanta halkaasi oo dadka marayeen.

Ninka ayaa u adeegsaday gaari Land Rover SUV ah dhibaatada isagoo kolba dhinac u waday si uu dad badan dhibaato u gaarsiiyo

dhacdada waxaa ku dhawaaqay maamulka deegaanka, oo uu hogaaminayo Duqa magaalada Wolfram Leibe (SPD), shir jaraa’id oo ay caawa qabteen .

51 jirka ayaa la sheegayaa in uu qamreesanaa wuxuu ku dhashay Trier markii ugu dambaysayna wuxuu ku noolaa xaafad ka mid ah magaalada. Booliisku wali ma awoodin inay soo bandhigaan ujeedka dhibaatada Marka loo eego baaritaanka aalkolada, ninku wuxuu ku sakhraansanaa heerka khamriga dhiigga ee 1.4.

Marka laga soo tago afarta qof ee dhimatay waxaa sidoo kale jira 15 dhaawac ah oo ay ku jiraan afar kale oo dhaawac halis ah qaba.

somaliska Barlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here