Home Wararka Maanta Sanadka 2020 oo Sweden laga diiwaangaliyay tiro badan oo toogashooyin ah

Sanadka 2020 oo Sweden laga diiwaangaliyay tiro badan oo toogashooyin ah

0
Photo: Johan Nilsson / TT

Sida ay muujineyso warbixinada ay soo saareen Booliska Dalka waxaa sanadkan 2020 uu noqday sanadka ugu toogashada badan wadanka iyadoo 43 qof lagu toogasho 11 bilood ee laga soo dhaafay sanadkan.

Caasimada Stockholm ayaa noqotay goobta ugu badan ay ka dhaceen toogashooyinka waxana ka dhacay kala bar toogashooyinka ka dhacya wadanka.

Linda Hostaff oo ah madaxa waaxda sirdoonka Qaranka ee Booliska ayaa sheegtay in dilalka dhaca ay la xiriiraan fala dambiyada ka dhaca wadanka gaar ahaan arimaha daroogada ee wadanka ka jira.

Waxay intaasi ku dartay in arimahan ay sabab u yihiin dhanka isdhexgalka bulshada ee goobaha gaar oo ay aad u liitaan bulsho isdhexgalka.

Warbixinta ayaa ku soo aadeysa iyadoo sabtidii ay toogasho ka dhacday magaalada Malmö.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here