Home Wararka Maanta Xil loo doortay Gabar Somali ah oo dood ka abuuray Ajaanibta Pakistan...

Xil loo doortay Gabar Somali ah oo dood ka abuuray Ajaanibta Pakistan kasoo jeeda

0

doorashada ka dhacay Caasimada Oslo ee Dalka Norway waxaa lagu doortay Ubax Cabdullahi aadan oo ah gabar somali ah kuna nool dalkaasi taasi oo madax ka noqotay urur isdhexgalka ka shaqeeya oo ka dhisan Xaafada Sondre Nordstrand oo ah xaafado ay ku badanyihiin dadka ajaanibta.

dooda gabadhan somaliyed ayaa timid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka oo kasoo jeeda Dalka Pakistan ay codkooda siiyeen Gabadhan xili uu tartarka kula jiray nin asal ahaan kasoo jeda Dalka Pakistan.

Joornalka Aftonposten oo kasoo baxa Norway ayaa warbixin ka qoray sheekadan waxana uu sheegay in Dadka Ajaanibta ee Pakistan ay  dood ka keeneen sababta ay guusha ku gaartay gabadha somaliyed iyadoo uu joogo qof kasoo jeeda Dalkooda.

Qoraalka ay isku dhaafsadeen barta Facebook ayaa ahaa in siyaasiyiinta ku jira Ururka ee Codkooda dhiibtay ay dayaceen kaalinta ay u doorteen iyagoo ku soo halkaasi ” Qof Somaliya kasoo jeeda miyuu kaga haboon yahay booskan qof kasoo jeeda Pakistan.

Ubax oo ka hadashey dhacdadan mar ay u warantay Aftonposten waxay sheegay in aysan dhib u arkin madama ay la qabsatay dhacdooyinka nuucaan oo kale ah.

Sara oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga AP oo dhacdadan ka hashey waxay sheegtay in aan la aqbali karin dhacdooyinkan oo kale iyadoo tusaale u soo qaadatay hadii qof cadaan ah norweigian ah uu falkan ku dhici lahaa ama uu isaga sameyn lahaa uu dhulgariir dhici lahaa.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here