Home Wararka Maanta Norway oo laga diiwaan galiyay 445 kiis oo Corona ah 24 saac...

Norway oo laga diiwaan galiyay 445 kiis oo Corona ah 24 saac ee lasoo dhaafay

0
Photo Jil Yngland / NTB

Ilaa saqbadhkii habeenkii Sabtida, wadar ahaan 35,193 qof oo qaba cudurka koorna ayaa laga diiwaan geliyey Norway. Taasi waa kororka 445 kiis oo la diiwaan galiyay tan iyo habeenkii Jimcaha.

Xogta waxay ka timid tirooyinka hordhaca ah ee nidaamka warbixinta qaranka ee cudurada faafa (MSIS).

In kabadan 2.2 milyan oo qof ayaa ilaa hada Norway laga baaray coronavirus.

Guud ahaan bukaano 121 qof’ ayaa isbitaalka la dhigey jimcihii, qayaasta labo ayay ka yartahay tirada maalinta ka horeesay.

Wadar ahaan 328 qof oo qaba cudurka corona ayaa ku dhintey Norway tan iyo bishii Maarso, sida ay muujineyso tirada hordhaca ah.

Marwalba suurtagal maahan in la ogaado in bukaanku u dhinteen Corona ama in kale.

Guud ahaan 136 kiis oo corona cusub ah ayaa laga diiwaan galiyay Oslo 24-kii saac ee la soo dhaafay. Taasi waa 15 wax ka yar celcelis ahaan usbuucii la soo dhaafay, kaasoo ahaa 151 jeer maalintii oo la qaado.

Guud ahaan 136 kiis oo corona cusub ah ayaa laga diiwaan galiyay Oslo 24-kii saac ee la soo dhaafay. Taasi waa 15 wax ka yar celcelis ahaan usbuucii la soo dhaafay, kaasoo ahaa 151 jeer maalintii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here