Home Wararka Maanta Hay’adda Socdaalka Sweden oo soo saartay Qiimeyn Cusub oo Qaxootiga Suuriya

Hay’adda Socdaalka Sweden oo soo saartay Qiimeyn Cusub oo Qaxootiga Suuriya

0

Hay’adda Socdaalka Dalka Sweden ayaa soo saartay qiimeyb Cusub oo ku aadan Qaxootiga Suuriya iyadoo wax laga badalay sharciyo horay u jiray oo ku aadan Qaxootiga Wadanka iska dhiibay sida in aan la celin Qaxootiga Suuriyaanka madama wadankaasi uu wali ka jiro dhibaato gaar ahaan Gobolada qaar.

Migrationsverket-ka ayaa sidoo kale Magangalyo siinaya Qaxootiga Suuriyaanka gaar ahaan kuwa ku jiray milatariga oo markii hore aana loo ogoleen Qaxooti ahaan waxaa kaloo Hay’adda sheegtay in Qaxootiga qaar ay kasoo bixi karaan Caasimada Dimishiq si toos ah.

Xaalada qaxootiga Suuriya ayaa leh wajiyo Cusub waxaana Dowlada ay mar walbo kasoo saartaa warar la xiriira sida xaalada markaasi tahay sida qaxootiga cusub u raacaan arinkaasi.

laanta sacdaalka kama hadlin Dalka Somaliya oo wali dhibaato adag ka jirto waxana dowlada Sweden ay ogtahay in xaalada somaliya ay wali halis tahay isla markana qof aanan lagu celin karin xiligan marka laga reebo qofka codsado.

Sweden ayaa horay iskugu dayday in ay Somaliya ku celiso qaxooti lakin waxaa ku adkaatay xiriir dowlada Somaliya oo ah dowlada aanan laheyn awood dowladnimo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here