Home Wararka Maanta Xukun lagu riday Haweeneydii Farta Qaniiyada ugu goosatay Haweeneyda Kale (ninkeyga ayay...

Xukun lagu riday Haweeneydii Farta Qaniiyada ugu goosatay Haweeneyda Kale (ninkeyga ayay Xiriir laso sameysay)

0

Haweeney 53 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Asker ee Dalka Norway ayaa hada lagu xukumay hal sano oo xarig ah maxkamada degmada Oslo ayaa Sidoo kale haweeneyda ku amarta in dhibanaha siiso 75,000 NOK magdhaw.

Waxay aheyd bishii Febraayo ee sanadkaan markii haweeneyda hada 53 jirka ah ay booqatay xarunta masjidka Tawfiiq ee Ã…kebergveien si ay ula hadasho haweeneyda dhibka gaaray xiligaasi oo 38 sano jir ah

Haweeneyda 53 jirka ah ayaa dhowr toddobaad ka hor heshay in haweeneyda 38 jirka ay xiriir taleefan la yeelatay ninkeeda. haweeneyda 53 ayaa markaasi wacday waxayna ku eedeysay inay xiriir la yeelatay ninkeeda.

Xukunka kasoo baxay maxkamada degmada Oslo ayaa noqday hal sano oo xarig ah lacagta magdhowda oo lagu daray lacagta ku baxday inta maxkamada socotay oo gaareysa 12,000 nok.

Sheekada ugu hadal heynta badan dhacdadan ayaa aheyd markii Haweeneyda farta looga goostay qaniinyada ay mudo ku qaadatay in farteeda la helo xataa marka booliska ay goobta soo gaareen.

Somaliska Oslo/aftonposten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here