Home Wararka Caalamka Waxa uu noqday Muwaadin Swidhish ah Rasmus Baludan oo ku Caanbaxay Gubista...

Waxa uu noqday Muwaadin Swidhish ah Rasmus Baludan oo ku Caanbaxay Gubista Quraanka

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB TT

Siyaasiga Xagjirka Daanishka ee Rasmus Paludan wuxuu noqday muwaadin Iswidish ah. Wuxu sheegay inuu rajaynayo inuu hawlo badan ka qaban karo Sweden, sida ay sheegtay wakaalada TT oo ay soo xigatay maanta wakaalada wararka ee Denmark.

Waaxda Canshuuraha ee Iswiidhan ayaa u xaqiijisay TT in Baloudan uu noqday muwaadin Iswidish ah oo diiwaangashan tan iyo 6dii Oktoobar.

Palludan, oo ah madaxa xisbiga midigta-fog, Stram Korsch, ayaa ka dambeeyay nuqul ka mid ah Quraanka kariimka ah oo lagu gubay magaalada Malmö dhammaadkii bishii Ogosta ee la soo dhaafay, taasoo horseeday rabshado ka dhacay magaalada.

Kahor intaan la gubin quraanka, booliska sweden waxay ka joojiyeen in uu kasoo gudbo xadka ay la wadaagaan Denmark waxaxana laga hor istaagay inuu soo galo wadanka mudo labo sano ah.

Dhacdooyinkii ka dhacay Malmö kadib, Baludan wuxuu codsaday rukhsad mudaharaad looga sameeyo shan degmo oo kala duwan oo ku yaal Stockholm, taas oo boolisku diidey.

Baloudan wuxuu ku baaqay in Denmark ay xor ka ahaato muslimiinta kahor doorashooyinka Denmark ee 2019.

Wargeyska Expressen ayaa sheegay in madaxa xisbiga xagjirka ah uu ku andacooday inuu yahay muwaadin Iswiidhish ah maxaa yeelay aabihiis wuxuu ahaa Swedish, isagoo tixgelinaya inaan laga hor istaagi karin inuu dalka soo galo sida uu dhigayo sharciga ajaanibta.

Wargeysku wuxuu sheegay inuu horey ugu gudbiyey waraaqo codsi muwaadinimo safaarada Sweden ee Denmark, taasoo dacwada u gudbisay laanta socdaalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here