Home Wararka Maanta Talaal bilaash ah oo la siinayo Dadka Waayeelka Qaar iyo Dadka Halista...

Talaal bilaash ah oo la siinayo Dadka Waayeelka Qaar iyo Dadka Halista u ah Xanuunka Corona

0
Kallestad, Gorm / NTB

Aqlabiyadda baarlamaanka ayaa dalbanaya in waayeelka ka weyn da’da 75 – iyo sidoo kale dadka ku jira kooxda halista – la siiyo talaal bilaash ah oo ka hortaga pneumococci, laga bilaabo bilawga xilligaan. Taasi lagu cadeeyay kadib shirkii saaka ee guddiga arimaha bulshada.

– Uguma horrayn ka hortagga faafitaanka sii kordhaya ee aan hadda ku aragno bulshadeenna, tani waa arrin muhiim ah, oo aan ka difaaci karno kuwa ugu nugul.

 Hay’adda caafimaadka bulshada ayaa sidoo kale si cad u tilmaamtay in tani ay tahay dadaal muhiim ah in la sameeyo Dadkaasi Talaalka, sida ay tiri afhayeenka arrimaha bulshada ee xisbiga Moderaterna Camilla Waltersson Grönvall.

Haa, aqlabiyadda baarlamaanka – oo ka kooban Moderaterna, Sverigedemokraterna, Bidixda iyo Kristdemokraterna – waxay sidaas rabaan in qof kasta oo ka weyn 75 – iyo sidoo kale dadka ka tirsan kooxda halista – in laga tallaalo pneumococci, iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin.

horaanta bisha Nofeembar ayaa la filayaa in la gaaro go’anka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here