Home Wararka Maanta Sweden oo xaqiijisay Qof uu labo jeer ku dhacay Coronavirus Xili uu...

Sweden oo xaqiijisay Qof uu labo jeer ku dhacay Coronavirus Xili uu dib u soo laabtay

0

Sweden ayaa diiwaangelisay kiiskeedii ugu horreeyay ee Coronavirus kaasi oo hal qof ku dhacay labo jeer sida Dagens Nehter uu qoray.

bishii May iyo Agoosto ayaa la xaqiijiyay in Haweeney 53 sano jir ah uu Corona ku dhacay labo jeer taasi oo muujineysa in qofka uu labo mar ku dhici karo Xanuunka Xili uu dib ugu soo laabtay Sweden.

Baarayaasha Isbitaalka Jaamacadda Salgarenska waxay sheegeen inay xaqiijin karaan kiiskii ugu horreeyay ee dib u soo laabashada cudurka ‘Covid-19’ ee Iswiidhan iyadoo la ogaanayo in infekshanka uu soo laabtay mar labaad ama haddii uu yahay astaamaha kii hore oo socda sidaasi darteed markii ugu horreysay, waa in RNA-da fayraska la baaro labo jeer.

Toban meelood, culeyska feyrasku wuu ku kala duwanaa bishii Maajo mid ka mid ah” culeyskii la qaaday bishii Agoosto,” Johan Ringlander oo ah arday dhaqtarka ka shaqeeya ayaa
u sheegay wargeyska. Taas macnaheedu in ay tahay waxaa jira laba nooc oo kala duwan oo infekshan ah

Wargeyska Aftonbladet ayaa horey wax uga qoray kiis kale oo tijaabooyinkiisa laakiin lama xaqiijin wax ka badan hal jeer.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here