Home Wararka Maanta Sweden oo ku guuldareesatay isku day lagu musaafurin lahaa 81 Qof oo...

Sweden oo ku guuldareesatay isku day lagu musaafurin lahaa 81 Qof oo Qaxooti ah

0
Photo Johan Nilsson / TT

Adeegga Xabsiyada Sweden waxay ku khasbanaadeen inay soo Celiyaan 81 qof kadib markii lagu guuldareystay isku day masaafurin oo loogu waday dalal ay ka mid yihiin Iran, Morocco iyo Ghana afartii sano ee ugu dambeysay.

Kharashka tarxiilka iyo celinta Qaxootigaasi wuxuu ahaa 16 milyan karoon. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday SVT maanta.

Safarrada gudbinta waxaa ka shaqeeya Waaxda Gaadiidka Qaranka ee ka tirsan NTE.
Tirakoobyadu waxay muujinayaan in qiyaastii 2,000 qof lagu sameeyo tarxiilid.

Shaqaalaha Iswiidhishka ah ayaa kaligood dib ugu laabta Sweden kadib markay fuliyaan inta
badan masaafurinta, laakiin waxay dib u soo celshaan safarada qaar oo ay la galaan dadka ka soo horjeeda go’aanka eryida.

Intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019, 81 qof ayaa lagu guuleysan in laga musaafuriyo Sweden.
Liiska dalalka loo musaafuriyay ayaa waxaa ka mid ahaa Iran, Morocco, Ghana, Afghanistan,
.Germany, Jordan, Kenya, Algeria, Sudan, Tanzania, Bangladesh iyo Libya.

Madaxa qeybta gaadiidka, Johan Milbrini, ayaa sheegay in sababta ugu badan ee dib loogu
.soo celiyo ay tahay in dalka loo wado uu diidan yahay in ay qaabilaan dadkaasi.

Halka Patrick Engstrom, oo ah madaxa Waaxda Bilayska Xuduudaha ee Waaxda Hawlgallada
Qaranka, ayaa yiri, “Waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in la sameeyo safarro masaafurin ah iyadoo ay jiraan la’aanta dukumiintiyo aqoonsi oo qofka lagu masaafurin karo.

Mararka qaar booliska ayaa lagu qasbaa inay la safraan qofka si ay u qaadaan talaabooyin
.baaritaan ah isla markiiba, ”ayuu raaciyay

NTE waxay xisaabisay kharashka cayrinta ugu yaraan 16 milyan karoon ayaa ku baxda

Dukumiintiyo ka socda Maamulka Asluubta ayaa muujiyay sida tarxiilku u dhacay. Tusaale ahaan, nin ayaa loo xiray in loo masaafuriyo dalka Ghana bishii Maarso 2019. Waxaa la socday seddex qof oo ka mid ahaa shaqaalaha amniga, midkoodna wuxuu ahaa sarkaal booliis ah. Markii ay gaareen caasimada, Accra, mas’uuliyiinta Ghana waxay ku wargeliyeen shaqaalaha Sweden inay Cadeeyaan in qofka uu yahay Ghana lakin ma aysan wadin wax Cadeen ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here