Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay Xanibaada Saaran Soo galitaanka Dalkeeda ee Wadamada ka baxsan...

Sweden oo kordhisay Xanibaada Saaran Soo galitaanka Dalkeeda ee Wadamada ka baxsan EU

0

Xayiraadda socdaalka ee Sweden looga saaray waddamada ka baxsan Midowga Yurub ayaa la sii dheereeyay, sida dawladdu maanta shaacisay. Mamnuucida ayaa hada soconeysa illaa iyo 22-ka Diseembar, 2020.

Xayiraadda safarka ee ku meel gaarka ah waxaa la soo saaray 19kii Maajo si loo yareeyo saameynta faafitaanka cudurka ‘coronavirus’ oo markii hore waxay qaadatay 30 maalmood. Tan iyo markii la kordhiyay dhowr jeer kadib talooyin ka yimid Komishanka Yurub.

Muwaadiniinta midowga ka tirsan Midowga Yurub wali waxay xaq u leeyihiin inay u safraan Sweden, sida dadka degan Norwey, Boqortooyada Ingiriiska, Switzerland, Liechtenstein iyo Iceland.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here