Home Wararka Finland Sawirka Raisel Wasaaraha Finland oo Khilaaf ka dhex abuuray Dadka Finishka

Sawirka Raisel Wasaaraha Finland oo Khilaaf ka dhex abuuray Dadka Finishka

0

Somaliska Finalnd Sawirka ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin ee soo dhigtay barta ‘Instagram’ ayaa sababay falcelin kala duwan oo dadka Finnishka ah ay ka qabaan sawirkaasi lasoo dhigay baraha bulshada.

Marin ayaa soo muuqatay, iyada oo aad moodo inay kaliya ku labisantahay jaakad u furan xaga hore ee jidhkeeda iyo silsilad qoorta, halka qayb weyn oo laabteeda ka mid ahi ay aad u muuqato.

Sawirka ayaa dhaliyay dhaleeceyn xoogan, oo loo arkay mid aan u qalmin booskeeda iyo inuu yahay mid aan qibrad u laheyn, halka kuwa kale ay dhaheen, wuxuu muujiyay sawirka qeyb badan oo jirkeeda ah.

Dhinaca kale, dhaleeceyntaas markii ay soo wajahday, olole lagu taageerayo Sanca Marin ayaa faafay, iyo faafinta sawirrada haweenka Finnishka ah oo xiran wax la mid ah wixii ra’iisal wasaarahoodu ku xiratay sawirkaas, oo muujinaya taageerada ay u hayaan iyada

Charlotte Siderboom, oo ah cilmi baare taariikhda kala duwanaanta bulshada ee Jaamacadda Finland ee Opo Academy, ayaa sheegtay in dhaleecaynta Sanca Marin aysan xaq u lahayn.

Waxay ila tahay inay ahayd inaan horay ugu sii socono jawiga siyaasadeed ee aan hada ku nool nahay, ayay raacisay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here