Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Canada oo ka hadlay Doorashada Mareykanka ka dhaceysa iyo Wal-wal...

Raisal Wasaaraha Canada oo ka hadlay Doorashada Mareykanka ka dhaceysa iyo Wal-wal ay ka qabaan

0

RAIISEL WASAARAHA CANADA Justin Trudeau ayaa sheegay in Canada ay u diyaar garoobeyso “carqalado” suurtagal ah hadii Mareykanku wajaho doorasho lagu muransan yahay bisha soo socota.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayey Ottawa, Trudeau wuxuu sheegay in waxa ka dhacaya Mareykanka ay hubaal saameyn ku yeelan doonaan Kanada, “laakiin shaqadeenu waa inaan diyaar u ahaano dhammaan natiijooyinka,” isagoo intaa ku daray in uusan “faallo ka bixin doonin ama miisaami doonin geeddi-socodka siyaasadeed ee Mareykanka.”

“Runtii waxaan dhamaanteen rajeyneynaa isbedel wanaagsan ama natiijo cad oo ka dhalata doorashada, sida dad badan oo kale ay adduunka oo dhan ku nool yihiin,” ayuu yiri Trudeau, sida ay soo warisay Bloomberg . “waxaa laga yaabaa in xoogaa carqaladeyn ah ay dhacan markaasi waa inaan u diyaar garowno natiijooyin kasta ee soo baxa. Waxaan u maleynayaa in taasi ay tahay waxa ay dadka reer Canada ka filan karaan dowladooda waana hubaal inaan ka fikireyno taas.

Hadalka Trudeau ayaa imanaya iyada oo madaxweyne Donald Trump uu si isdaba joog ah uga gaabsaday in uu ballan qaado in si nabad ah xukunka u wareejiyo haddii uu ku guuldaraysto doorashada bisha soo socota Taa baddalkeeda.

Somaliska Canada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here