Home Wararka Caalamka Raiisel Wasaaraha Armenia oo diiday Wada-hadalka uu garwadeenka ka yahay Ruushka (...

Raiisel Wasaaraha Armenia oo diiday Wada-hadalka uu garwadeenka ka yahay Ruushka ( Maxaa soo kordhay)

0

Dadaalada diblumaasiyadeed ee lagu joojinayo colaadda u dhaxeysa Armenia iyo Azerbaijan ee ku saabsan gobolka la haysto ee Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan ayaa waji cusub la kulmay kadib markii ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan uu sheegay in dowladiisa ay diidan tahay inay ka qeyb gasho gorgortanka iyadoo la adeegsanayo qaabka hada socda

Markii uu la hadlayey shacabka Armenia Pashinyan wuxuu sheegay in dowladiisu  diidey qaaciddada gorgortanka oo aan ku jirin aqoonsiga xuquuqda bulshada Armenia ee Nagorno-Karabakh ee aayo-ka-tashiga.

 Wuxuu intaas ku daray in baaqii Azerbaijan ee ahaa in la xoreeyo toddobo degmo oo la haysto oo ku hareeraysan Nagorno-Karabakh iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da aasaasiga ah ee dejinta aysan la wanaagsaneyn dowladda Armenia.

Raiisel wasaaraha Armenia wuxuu diiday inuu u hogaansamo qodobka 3-aad ee heshiiska xabad joojinta oo ah afarta qodob oo uu dhexdhexaadiye ka yahay Ruushka magaalada Mosko 10-kii Oktoobar kaasoo labada dal ugu yeeraya inay bilaabaan wadahadalo wax ku ool ah iyadoo loo marayo dhexdhexaadinta kooxda OSCE Minsk Group oo ka wada tirsan labada dhinac. mabaadi’da dejinta, oo sidoo kale loo yaqaan mabaadi’da Madrid.

Saraakiisha ku sugan magaalada Baku waxay si aan leex leex leexad laheyn u diideen soo jeedimo ku saabsan in wax laga badalo qaabka wadahadalada, oo ay ku adkeysanayaan inay ka qeyb galaan kaliya Armenia iyo Azerbaijan oo ah dhinacyada isku dhaca.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev oo la hadlaya umaddiisa isla mar ahaantaa kulanka wasiiradda ee ka dhacay Moscow usbuucii la soo dhaafay ayaa sheegay in Armenia ay tahay inay aqbasho mabaadi’da aasaasiga ah ee geeddi-socodka dejinta.

Madaxweyne Aliyev wuxuu sheegay in Armenia ay soo gudbiso jadwal ay ciidamadeeda ugala bixi doonaan dhulalka la haysto ee Azerbaijan.

Si kastaba ha noqotee, ra’iisul wasaare Pashinyan wuxuu hoos u dhigay mabaadi’da Madrid isagoo ku baaqay madaxbannaanida gobolka Nagorno-Karabakh, oo ah dhul caalami ah oo loo aqoonsan yahay Azerbaijan.

Somaliska Ankara

Turjumay Somaliska.com Xigasho Caspiannews

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here