Home Wararka Caalamka Norway Xisbiga FRP oo soo jeediyay in Qaxootiga la siiyo 8 sano...

Norway Xisbiga FRP oo soo jeediyay in Qaxootiga la siiyo 8 sano oo Deganaansho ku meel gaar ah

0

Sylvi Listhaug oo katirsan xisbiga hormarinta (FRP) soo jeediyay in Qaxootiga Dalka iska dhiibay ee loo ogolaaday Sharciga la siiyo 8 sano oo Sharci ku meel gaar ah ka hor inta aanan la siin midka rasmiga.

waxa uu sidoo kale soo jeediyeen Xisbiga in lagu adkeeyo caruurta ay dhaleen xubnaha ka tirsan kooxda ISIS inay helaan dhalashada Norway. Sida ay sheegtay Listhaug oo ah Madaxa guddiga soo galootiga ee xisbiga FRP.

Gudiga socdaalka ayaa soo bandhigay shaqadooda maalinta axada ah xili maalinta ku xigtay uu dhacay kulanka qaran ee xisbiga FRP.

Sida laga soo xigtay wargeyska VG, ilaa toban sano oo deganaansho ah iyo shuruudaha luqadda oo aad u adag ayaa ka mid ah soo jeedinta guddiga.

Shardi maahan in qofku la qabsado bulshada Noorweey si uu u noqdo muwaadin norwiiji ah (maanta). Taasi waa in si adag loo adkeeyay, ”ayay tiri Listhaug.

Soo jeedintaas waxaa ka mid ah codsi ah in carruurta dibedda ku dhasha hooyadood ama aabbahood noorwiiji ah ay xiriir joogto ah ee haysta dhalashada Norway.

Shuruudaha kale waxaa ka mid ah siddeed sano oo deganaansho ku meel gaar ah ka hor intaadan helin deggenaasho rasmi ah, shuruudaha akhlaaqda aan wanaagsaneyn, aqoonta luqadeed ugu yaraan heerka C1, ka gudubka imtixaanka qiimaha noorwiijiga iyo aasaasiga guud, iyo dalbashada isku filnaanshaha shantii sano ee la soo dhaafay (oo aan helin kaalmada bulshada ayaa kamid ah.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here