Home Wararka Caalamka Norway oo Lix sano Xabsi ah ku Xukuntay Nin Kufsaday Xaaskiisa Shan...

Norway oo Lix sano Xabsi ah ku Xukuntay Nin Kufsaday Xaaskiisa Shan jeer (Layaab)

0
Photo Rune Stoltz Bertinussen / NTB

Nin kasoo jeeda Waqooyiga Noorweey oo 40 jir ah ayaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah ka dib markii uu kufsaday xaaskiisa shan jeer oo u dhaxeysay 2006 ilaa 2019

Ninka ayaa ku andacooday in galmada ay ahayd mid ikhtiyaari ah, laakiin maxkamada racfaanka ee HÃ¥logaland ayaa ku gacan seyrtay kana diiday.

Maxkamaddu waxay xukuntay in ninkan la xidho lix sano iyo afar bilood laakiin waxay ka jartay afar bilood sababtoo ah dhagaysiga rafcaanka oo dib loo dhigay 7 bilood sababo la xidhiidha cudurka faafa ee corona.

Ciqaabtu waxay lamid tahay go’anka hore ee Maxkamadda Degmada Nord-Troms bishii Nofeembar.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu gabadha siiyo 275,000 NOK oo magdhaw.

Somaliska Oslo

Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here