Home Wararka Maanta Norway oo badashay Sharuudo ku xirnaa Qaadashada Basaboorka iyo Kaararka Cusub

Norway oo badashay Sharuudo ku xirnaa Qaadashada Basaboorka iyo Kaararka Cusub

0

Dowlada Noorweey ayaa horay shuruud uga dhigtay in dhagaha muuqdaan sawirada Baasaboorka, qaasatan Dadka xirta Xijaabka lakin waxay meesha ka saartay Sharuudahaasi iyadoo Dadka loo ogolyahay in ay Sawirka gali karaan iyagoo dhagaha qarinaya.

Isbeddelku ma khuseeyo oo keliya xijaabka diinta islaamka, wasiirka caddaaladda iyo maareynta xaaladaha degdegga ah, Monica Mæland (H) ayaa sidaasi u sheegtay wargayska Vårt Land.

Mæland ayaa sheegtay in baasaboorada iyo kaararka aqoonsiga qaranku ay sugi doonaan xitaa hadii isbadalkan cusub lagu sameeyo, sida ay sheegtay idaacada  Norway ee NRK.

booliska ayaa sidoo kale talo kale ka siinaya arinta.

“Haa, waa run in qaar nagala taliyeen arinta, iyagoo qiil uga dhigaya talooyinkooda arrimo amaanka ah. Si kastaba ha noqotee, way ku filan tahay sidan marka la eego dhanka amaanka.

Qaar kamid Ururada Diiniga ah iyo Hindidaha heesata Dhaqamaha kala duwan ee Norway ku nool ayaa diiday qodobkan oo dood aadag dhaliyay.

Dowlada Norwaya ayaa dhawaan soo bandhigtay in la heli karo Kaararka Aqoonsiga ee Xayirnaa.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here