Home Wararka Maanta Migrationsverket: Qaxootiga ugu yaraa oo iska dhiibaya Dalka Sweden mudo 20 sano...

Migrationsverket: Qaxootiga ugu yaraa oo iska dhiibaya Dalka Sweden mudo 20 sano gudaheeda

0
Photo: Marcus Ericsson / TT

Hay’adda socdaalka ee Migrationsverket ayaa filaysa in sanadkaan
Sweden ay diiwaangelin doonto heerka ugu hooseeya ee magangalyadoonka muddo labaatan sano ah, taasoo muujineysa in tani ay ka dhigan tahay in si aad ah loo yareeyay
.qarashka soo galootiga. Sida maanta laga soo xigtay TT.

Tirada la filayo ee magangalyo-doonka ayaa gaaraya 13,500, waxyar ka yar saadaashii bishii July ee ahayd 13,000. Laakiin heerarku wali waxay marayaan heerkii ugu hooseeyay, sida uu
.sheegay Agaasimaha Qorshaynta ee Adeegga Socdaalka, Henrik Holmer.

Holmer wuxuu yidhi “maanta waxaan haynaa tiro yar oo taariikhi ah oo magangalyo doon ah.” Sababta ugu weyni waa xayiraadaha safarka adduunka ee Corona dartii. Xitaa haddii qof
qaxooti ah uu ku soo safro dooni badda Mediterranean-ka, way adag tahay inuu ka soo guuro dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Griiga.

Hindise sharciyeedka miisaaniyadda ee sanadka 2021-ka, dowladda ayaa soo jeedisay lacago dheeri ah oo la siinayo maxkamadaha socdaalka, halka tirada kiisaska xilligan ay sii
yaraanayaan.

Codsadeyaashu waxay heli doonaan go’aanno deg deg ah iyadoo dadka durba ka bixidoonaan hoyga ay daganyihiin iyagoo heliya qaabilaad deg deg ah,” ayuu yiri Holmer. Tani waxay ka dhigan tahay in kharashka tahriibku aad hoos ugu dhici doono.

Hay’adda Socdaalka ayaa loo oggolaaday inay qaabisho 5 kun oo qaxooti ah sida ku xusan qoondada Qaramada Midoobay sanadkiiba, laakiin sida ku cad saadaasha cusub, tirada ayaa
hoos uga dhacday 4,500.

Somaliska Stockholm

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here