Home Wararka Caalamka Howlihii Safaaradda Mareykanka ee Turkiga oo la joojiyay Cabsi laga qabo weeraro...

Howlihii Safaaradda Mareykanka ee Turkiga oo la joojiyay Cabsi laga qabo weeraro argagixiso oo dhici kara

0
Photo alliance/NurPhoto/D. Cupolo
Safaaradda Mareykanka ee Turkiga ayaa maanta soo saartay digniin amni, iyadoo sheegtay inay heshay warbixinno ku saabsan suurtagalnimada weerar lagu qaado Mareykanka iyo ajaanibta kale ee ku sugan Turkiga, waxayna si kumeelgaar ah u joojisay howlihii qunsuliyadaha.
“Howlgalka Mareykanka ee Turkiga wuxuu helay warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan weeraro argagixiso iyo afduub loo geysto muwaadiniinta Mareykanka iyo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan Istanbul, oo ay ku jiraan qunsuliyada guud ee Mareykanka, iyo sidoo kale meelo kale oo macquul ah oo kuyaala Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaarada.
Safaaradda Ankara, caasimadda Turkiga, waxay ku boorrisay muwaadiniinta Mareykanka inay ka taxaddaraan, dhismayaasha waaweyn ee xafiisyada, xarumaha laga dukaameysto iyo meelaha kale ee ajaanibtu isugu yimaadaan. Waxay sheegtay in adeegyada muwaadin iyo fiisayaasha si ku meelgaar ah looga joojin doono dhammaan qunsuliyadaha Mareykanka ee Turkiga.
Kooxda la baxday dowladda islaamiga ah iyo koox hubeysan oo ka tirsan xagjiriinta Kurdiyiinta ayaa weeraro ba’an ku qaaday dhulka Turkiga intii u dhaxeysay sanadihii 2015 iyo 2017. Koox bidix fog ayaa sidoo kale horay u bartilmaameedsatay Safaaradda Mareykanka ee Ankara.
Afhayeen u hadlay safaaradda Mareykanka ayaa yiri: “Howlgalka Mareykanka ee Turkiga wuxuu soo saaray ogeysiiskan iyadoo ay sabab u tahay qiimeynta aan ku wadno xaaladaha amniga. Waxaan u mahadcelineynaa taageerada dowladda Turkiga ee xaqiijinta amniga dadka Mareykanka ah ee ku nool. Turkiga iyo sidoo kale muwaadiniinta Turkiga ah ee soo booqda Safaaradda iyo Qunsuliyadaheenna. ”
Somaliska Ankara
turjumay somaliska.com
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here