Home Wararka Caalamka Hooyo Somaliyed iyo shanteeda Caruur oo lagu amray in ay iskaga baxaan...

Hooyo Somaliyed iyo shanteeda Caruur oo lagu amray in ay iskaga baxaan Dalka Norway ( 16 sano kadib )

1

Hooyo somaliyed iyo 5 caruur ah oo ay dhashay ayaa lagu amray in wadanka iskaga baxaan amarkaasi oo uu kasoo baxay Hay’ada dhanka soogalootiga u qaabilsan Norway ee UDI taasi oo hooyada somaliyed ku heesata in ay been ka sheegtay Dalka ay kasoo jeedo.

Sanadkii 2004 ayay aheyd markii hooyadaan iska dhiibtay Dalka Norway waxana xiligaasi kadib ay wadanka ku dhashay shan caruur ah oo midka ugu yar jiro 2 sano halka kan ugu weyn ay dadiisa tahay 9 sano.

Hooyadan oo ku nool Magaalada Skien ee Gobolka Telemerk ee Dalka norway ayaa lagu eedeeyay in ay isku dhiibtay macluumaad qalad ah isla markana sida runta kasoo jeedo Dalka Jabuuti lakin dood dheer iyo baaritaan kadib waxay ogolaatay in ay kasoo jeedo Dalka Jabuuti.

Maxkamada horteeda ayay ka cadeysay in Sababo jiro dartii ay iskugu dhiibtay Dalka Somaliya isla markana Basaboorka Somaliga uu ka iibsaday nin Muqalas ah.

Booliska Dalka Norway ayaa Dalbaday in 120 maalmood la xiro hooyada madama ay dambi u sheegtay Hay’adaha Dowlada lakin Maxkamada ayaa kasoo horjeesatay isla markaana aaminta xogta hooyada ee ah in arimo qoys uga soo tageen Dalka Jabuuti.

Bishii June ee Sanadkan ayaa lagu amray Hooyada ninkeeda iyo Caruurta shanta ah in Dalka Norway ka baxeen dibna ugu laabtaan Dalka Jabuuti waxana loo raaciyay in aysan dib ugu soo laaban karin Norway durba waxay racfaan ka qaateen go’anka UDi madama Hooyadan oo 36 jir ah ninkeeda uu ka tirsanyahay mucaraadka Dalka Jabuuti dhibaatana ay kala kulmayaan hadii ay ku laabtaan Dalkooda sida Somaliska.com kasoo xigatay Varden oo ah wargeyska qoray Xogtaan.

Hay’ada UDI ayaa wali ku adkeesaneysa go’anka mana ahan Hooyadan Qofkii ugu horeeyay ee dhacdadan la kulanta waxaa jira Wiil dhalinyaro ah kaasi oo sharciga looga ceshtay in uu kasoo jeedo Dalka Jabuuti.

Somaliska oslo

Xigasho/Varden

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here