Home Wararka Maanta Försäkringskassan:- Laga bilaabo 1 November waxaan dib u bilaabeynaa Cadeymaha Warqadaha Dhaqtarka...

Försäkringskassan:- Laga bilaabo 1 November waxaan dib u bilaabeynaa Cadeymaha Warqadaha Dhaqtarka (läkarintyg)

0

Shuruudaha looga baahan yahay caddeynta caafimaadka ee Dhaqtarka ayaa dib loo soo celin doonaa 1 Nofembar marka la codsanayo lacagta jirrada ama kaalmada daryeelka carruurta.

”Waxaan qiimeynay in daryeelku uu hada awood u leeyahay inuu ku laabto sidii caadiga ahayd si loo bixiyo cadeynta Dhaqtarka ee aan ugu baahanahay marka aan ka shaqeyneyno kiisaska lacagta jirada iyo lacagta waalidka ee ku meel gaarka ah, ayuu yiri Michael Erliksson, agaasimaha sharciga ee Försökringskassan.

si loo yareeyo culeyska adag ee saaran daryeelka caafimaadka inta lagu gudajiray marxaladdii ugu horeysay ee dhibaatada corona ayay Hay’adda Caymiska Bulshada ee Sweden go’aansatay inay baabi’iso shuruudaha qaarkood ee warqadaha caafimaadka. Tani waxay la xiriirtaa codsiyada kaalmada daryeelka carruurta, iyo codsiyada gargaarka jirrada.

Laakiin qiimaynta hay’addu hadda waxay tahay in culeyska saaran daryeelka caafimaadku uu aad hoos ugu dhacay sidaas darteedna shuruudaha looga baahan yahay caddeynta caafimaadka dib ayaa loo soo celindoonaa 1 Nofembar.

Go’aanka ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto xaqiiqda ah in heerka jirrada uu mar labaad sii kordhayo, sida uu yidhi Michael Erliksson.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here