Home Wararka Caalamka Erdogan “Haddii aynan tijaabin waxa aan gacanta ku hayno, maxaan kale oo...

Erdogan “Haddii aynan tijaabin waxa aan gacanta ku hayno, maxaan kale oo aan sameyn lahayn?” ( xaqiijin tijaabada S-400)

0

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa jimcihii maanta xaqiijiyay in Turkigu tijaabinayay nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400 wuxuuna sheegay in diidmada Mareykanka ee arrintan aysan waxba kajirin.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa usbuucii la soo dhaafay ku cambaareysay Turkiga tijaabada ka dib digniino isdaba joog ah oo la saaray oo ku saabsan cunaqabateyn suurtagal ah haddii nidaamka S-400 la hawlgeliyo.

“Waa run arinta ku saabsan tijaabooyinka, way dhammaadeen wayna sii socon doonaan,” Mr Erdogan ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Istanbul, isagoo xaqiijinaya wararka jimcihii la soo dhaafay in ciidamada Turkiga ay sameeyeen tijaabadii lagu sameeyay S-400s. “Ma weydiisan doonno Mareykanka rukhsad.”

Mr Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in fikirka Mareykanka ee ku aadan arintaasi “uusan xirneyn Turkiga, wuxuuna intaas ku daray: “Haddii aynaan tijaabin doonin waxa aan gacanta ku hayno, maxaan kale oo aan sameyn lahayn?”

Mareykanka waxa uu sheegay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiriirka amniga hadii Turkiga uu dhaqaajiyo nidaamka,” afhayeenka wasaarada arimaha dibada Morgan Ortagus ayaa sheegay jimcihii la soo dhaafay.

Turkiga wuxuu wajahayaa cunaqabateyn Mareykan ah iyadoo la raacayo sharciga 2017 loo yaqaan CAATSA, kaasoo amraya cunaqabateyn kasta oo “muhiim ah” hub ka iibsashada Ruushka.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in nidaamyadan aan lagu dhex dari doonin kaabayaasha difaaca Nato.

Ankara ayaa ku eedeysay Washington inay ku guuldaraysatay inay ka iibiso nidaamka difaaca gantaalada ee Mareykanku sameeyo Patriot waxayna sheegtay in iibsiga nidaamka Ruushka uu ahaa mid lagu daboolayo baahidiisa dhanka amaanka.

Mr Erdogan wuxuu sheegay in Turkiga ay sii wadi doonaan tijaabinta qalabkooda militari oo ay ku jiraan kuwa fudud, kuwa dhexe iyo kuwa culus, oo ay ku jiraan kuwa badan oo laga soo iibsaday Mareykanka.

“Waxay umuuqataa in mudanayaasha [Mareykanka] ay si gaar ah uga walwalsan yihiin in hubkaani uu yahay hub uu leeyahay Ruushka. Waan go’aansanay, waxaan kusii soconaa wadadeena sidii hore,” ayuu yiri.

Somaliska Ankara

Turjumay Somaiska.com qeybta Wararka Caalamka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here