Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo Kordhineysa Lacagta Kaalmada ee Caruurta

Dowlada Norway oo Kordhineysa Lacagta Kaalmada ee Caruurta

0
Gorm Kallestad / NTB scanpix

Wasiirka Caruurta iyo Qoysaska Norway Kjell Ingolf Ropstad (KrF) iyo dowlada ayaa markale kordhinaya Kaalmada caruurta. Wadarta qiimaha lacagtaasi waxaa lagu qiyaasaa 1.1 bilyan sanadkii.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021, oo la soo bandhigay Arbacada, dowladdu waxay mar kale soo jeedisay in la kordhiyo lacagta carruurta oo loo qoondeeyo 300 NOK bishiiba taasi oo loogu talagalay carruurta illaa 6 sano jir ah, laga bilaabo 1da Sebtember 2021. Tani waxay siinaysaa koror sannadle ah 3,600 NOK.

Tani waxay siinaysaa sidoo kale kororka kharashaadka dadweynaha ee NOK 413 milyan sanadka 2021. Saamaynta sanadka oo dhan waxaa lagu qiyaasaa 1.1 bilyan NOK.

Ropstad wuxuu rumaysan yahay in kororku wax ka tari karo wax ka qabashada saboolnimada carruurta.

Somaliska Oslo xigasho/VG

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here