Home Wararka Maanta Dhaqaatiirta Norway oo Shaqo Joojinta ay ku dhawaaqeen bilaabaya maalinta Isniinta

Dhaqaatiirta Norway oo Shaqo Joojinta ay ku dhawaaqeen bilaabaya maalinta Isniinta

0
Photo Javier Matheu / Unsplash

Ururka Dhakhaatiirta Noorweey ayaa ku dhawaaqay in 23 dhakhtar oo ku kala sugan Tromsø, Trondheim, Narvik, Bergen, iyo Stavanger ay shaqo joojin sameyn doonaan maalinta Isniinta, Oktoobar 26 keeda.

Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii uu isku duwaha Gobolka ee Norwey (Riksmekleren) uu sheegay khamiistii, Oktoobar 15, in dhinacyadu aysan ku heshiin karin heshiis gaarka ah. 

Ururka ay ku midoobeen dhakhaatiirtu ma aqbalin natiijada dhexdhexaadinta. 

Arbacada dhaqaatiirta waxay shaaciyeen in ay shaqojoointooda bilaabayaan maalinta isniinta.

“Norway waxay dhexda uga jirtaa masiibo baahsan oo cawaaqib weyn ku leh adeegga caafimaadka. 

Ka bixitaankeenii ugu horreeyay wuxuu si guud uga ilaaliyaa dadweynaha iyo bukaannada cawaaqibka shaqo joojinta. 

“Waxaan ka walaacsan nahay qaadashada masuuliyada bulshada, xitaa inta lagu jiro shaqo joojinta,” ayuu yiri Marit Hermansen.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Dhakhaatiirta Noorweey, dhakhaatiirta ka hawlgasha degmooyinka yar yar waxay shaqeeyaan celcelis ahaan 37.7 saacadood oo daryeel deg deg ah usbuucii, ha ahaato qaab heeganka, daryeelka guriga, ama noocyo kale oo daryeel deg deg ah.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here