Home Wararka Caalamka Denmark oo Sadex Sano ku Xukumeysa Wadaadkii Furiin ka celiya Haweenka

Denmark oo Sadex Sano ku Xukumeysa Wadaadkii Furiin ka celiya Haweenka

0

Dowlada Denmark ayaa soo bandhigtay Hindise Cusub oo dhigaya in Sadex sano lagu Xukumo wadaadkii ama Imaamkii Furiin ka celiya Haweynkaa Islaamka ee Dalkaasi ku nool taasi oo Salka ku haysa kadib markii dhawaan ay Haween Muslimiin ah ay warbaahinta Dalka la wadaageen in laga Hor istaagay Furiin ay ka dalbadeen Imaamyada Masaajidka.

Qaar kamid ah Haweenka oo warbaahinta gudaha Denmark la hadlay ayaa sheegay in dhoor mar oo ah u tageen Imaamyada laga diiday Dalabkooda loona sheegay in guryahooda ku laabtaan oo dhaqdaan gurigooda.

Haweenka oo arintaasi ka hadlaya ayaa dhanka kale waxay sheegeen in Raga ay iska furayaan ay kala kulmeem Dil iyo Hanjabaad dhanka Maskaxda ah oo kala kulmeen dhibaataada ka dhex taagan labadooda.

Murankaasi ayaa keenay in warbaahinta gudaha baahiyaan maalmihii u danbeeyay iyadoo Dowlada ay kasoo saartay Hindise Cusub oo dhigaya in sadex sano oo Xabsi ah lagu Xukumo wadaadkii lagu qabto Falkaasi.

Qaar kamid ah Ururada Islaamiga ee ka dhisan Dalkaasi ayaa kasoo horjeestay waxaana ay sheegeen in Dowlada ay ku fududaatay Arinkaasi.

Wasiirka arimaha soogalootiga iyo is dhexgalka Denmar Mattias Tesfaye ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay Sharcigan Cusub ee u baahan in Baarlamaanka ansixiyo.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here