Home Wararka Caalamka Denmark” Khudbada Salaada Jimcaha waa in Af-danish lagu jeediyaa”

Denmark” Khudbada Salaada Jimcaha waa in Af-danish lagu jeediyaa”

0
Photo: Bax Lindhardt / Ritzau Scanpix

Sida laga soo xigtay xukuumada Sooshal dimuqraadiga ee Denmark, dhammaan khudbadaha Danmark waa inay ahaadaan af deenish. Sidaa darteed, inta lagu gudajiro sanadka soo socda ee baarlamaanka, dowladdu waxay soo bandhigi doontaa sharci lagu xaqiijinayo taas. Tani waxaa lagu sheegay barnaamijka sharciga ee dhowaan la soo saaray . 

Sharciga waa in lagu saleeyaa fikrad ka timid soo jeedinta siyaasada arimaha dibada ee xisbiga Sooshal dimuqraadiga laga bilaabo 2018 . Sidaas waxa tidhi afhayeenka kiniisadda Julie Skovsby.

Hindisaha siyaasadeed ee xisbiga Sooshal dimuqraadiga ee “Xaqsoor iyo waaqica”, waxaan u dhignay hammi ah in wacdiyada Danmark ay mabda ‘ahaan ku dhacaan af deenishka. Haddayna wax kale ahayn khudbadaasi  Muwaadiniinta Danmark waa inay awood u yeeshaan, inay si buuxda ula socdaan af deenishka, ayay tidhi.

Waxaan rabnaa in dhamaan muwaadiniinta Danmark si buuxda loogu wargaliyo waxyaabaha ku saabsan diinta iyo caqiidooyinka ku saleysan cibaadooyinka diinta ee ay ka qeyb qaadanayaan.

Luuqada rasmiga ah ee Denmark waa dheenish. Taas macnaheedu waxa weeye, dhinaca kale, in dhammaan wacdinta lagu heli karaa af deenishka.

Waxaan diidanahay in la dhiso bulsho is barbar socota – sidaas darteed waa muhiim in annaga oo ah muwaadiniinta Danmark ku xirnaano luuqad guud.

somaliska Copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here