Home Wararka Caalamka Daraasad:- Viruska Corona waxa uu ku dul noolaan karaa Taleefanka dushiisa mudo...

Daraasad:- Viruska Corona waxa uu ku dul noolaan karaa Taleefanka dushiisa mudo Bil ka badan

0
Photo: Isabell Höjman/TT

Daraasad caafimaad oo Australia ah, oo muddo ka hor lagu
daabacay joornaalka Virology, ayaa muujisay in fayraska sababa covid-19 uu ku noolaan karo in ka badan hal bil dusha sare, sida shaashadaha taleefannada gacanta iyo waraaqaha lacagta.

Isaga oo arintaas ka hadlaya, Anders Weidel, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga Virology ee jaamacada Lund ayaa u sheegay idaacada Sweden ,

“waa virus aad u xoogan… laakiin waa in aan xasuusnaano in tani ay la xiriirto tijaabooyinka heerarka sare ee infekshinka ee deegaan gaar ah”

Si kastaba ha noqotee, wuxuu rumeysan yahay in daraasaddu ay muhiim u tahay sii wadista qoto-dheerida baaritaanka ku saabsan COVID-19 waxayna sidoo kale muujineysaa muhiimadda ay dadku u leeyihiin inay sii wadaan ilaalinta nadaafadda.

Johan Samuelson oo kamid ah ardayda wax ka barata jaamacada Lund University ayaa sheegay in daraasadan ay walaac ku abuurtay isla markaana ay kordhisay taxadarka uu ka hortagayo infekshinka Corona uu ku dhaco.

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan guriga ku haystay dhalo aalkolo ah oo nadiif ah, waxaan mararka qaarkood ku nadiifin jiray taleefanka. Muddo dheer intaas ma aanan samayn, laakiin
.hadda waxaa laga yaabaa inay tahay waqtigii aan aad uga taxaddari lahaa,” ayuu yidhi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here