Home Wararka Caalamka Cudurka Corona oo ku sii kordhaya Caasimada Stockholm

Cudurka Corona oo ku sii kordhaya Caasimada Stockholm

0
Photo: Jonas Ekströmer / TT

Sida ay masuuliyiintu sheegeen, 660 kiis oo cusub oo cudurka loo yaqaan ‘Covid-19 virus’ ayaa la soo sheegey afartii maalmood ee la soo dhaafey, tanina waxyar ayey ka badan tahay isla muddadii usbuucii la soo dhaafey, markii la diiwaan geliyey 638 xaaladood.

Wadar ahaan 57 qof ayaa lagu xannaaneynayaa isbitaalka magaalada, taas oo sidoo kale ah koror cad marka loo eego warbixintii ugu dambeysay.

Ilaa 4 maalmood, 6 bukaan oo cusub ayaa la dhigay qeybta daryeelka deg degga ah.

Infekshanku wuu sii kordhayaa, sidoo kale, guryaha lagu daryeelo waayeelka ee gobolka ayuu ku sii kordhayaa  tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, siddeed qof oo waayeel ah ayaa laga helay fayraska.

Tallaabooyinka la socoshada infekshinka waxay sii wadaan inay muujiyaan in infekshannada ay ku dhaceen dhammaan dadka da’da ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here