Home Wararka Maanta Cabdi Shaakir ”Nolosha Ingariiska ayaa ii dhaanta mida Sweden ee aan ku...

Cabdi Shaakir ”Nolosha Ingariiska ayaa ii dhaanta mida Sweden ee aan ku noolaa”

0

waa sida uu Qabo Cabdi Shaakir oo ah wiil dhalinyaro ah kaasi oo wadanka Sweden isaga tagay mudo 8 bil kahor isagoo tagay Dalka ingariiska halkaasi oo uu ka dalbaday Deganaansho rasmig ah.

” Runtii Nolosha Sweden oo aan ku heestay Sharci gaar ahaan Basaboorka weyn waxaa ii dhaanta mida ingariiska oo aan ku noolayahay hada Sababta wax kale maahan Halkan waxaan joogay mudo kooban oo ka yar bil markii aan helay shaqo aanan u marin wax dhab ah wareysi dheer”

” Markii aan joogay Dalka Sweden runtii Shaqooyin badan ayaa raadiyay lakin sharuudo leego xujeeyay kadib iima suura galin in aan shaqeeyo mudo dhoor sano ah”

Cabdi Shaakir oo u waramey Somaliska waxa uu sheegay in hada uu dareemayo Mashquul badan oo naftiisa ah isla markana uusan fakar la kulmin inta uu joogay wadanka ingariiska”

” Dabcan markii hore waxaan markasta ka fakiri jiray nolosha adag ee i hortaalo lakin hada mashaquul badan ayaa dareemayaa waayo waxaan u dhaxeeya guriga iyo shaqada”

Waxa uu Cabdi shaakir dhan kale ka waramey in uu sugayo 10 number ee dalka madama uu heesto Deganaanshaha Dalka oo kaliya.

” Runtii Wax walbo waan heestaa kaliya waxaan sugayaa 10 number ee Dalka waxa Afka sweden lagu dhaho ”personnummer” kaasi hadaan helo waxaan kamid ahay shacabka wadanka”

Ma Qorsheeneysaa in Dalka dib ugu soo laabato mase jirtaa waxa aad u xiistay ?

” runtii waxa kaliya ee Sweden aan ugu xiisay waa xaga Nadaamka madama halkan aad dareemeyso sida wadanka Africa oo kale tusaale Garoomada kubada oo aad u yar iyo wadooyin cariiri ah.

Somaliska Stockholm

Waan soo gudbineynaa hadii wareysi noo suura gasho.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here