Home Wararka Maanta Bisha November Dadka halista u ah Xanuunka Corona ee aan Shaqeynin waxay...

Bisha November Dadka halista u ah Xanuunka Corona ee aan Shaqeynin waxay helidoonaan Lacag Kaalmo oo dheeri ah

0
Photo: Fredrik Sandberg / TT

Laga bilaabo bartamaha Nofeembar, dadka ku jira kooxaha halista ah ee aan awoodin inay shaqo tagaan waxay ka heli doonaan kaalmo dheeri ah gobolka. Dawladdu waxay qiimayntaas samaysaa kadib dhaleecayn adag oo dib loogu dhigay arrinta.

Maria Malmer Stenergard (M) oo ah gudoomiyaha gudiga baarlamanka ee caymiska bulshada ayaa qabta in dowlada ay ku dhaqaaqday hab wanaagsan.

– Tani waxay ahayd wax laga xumaado oo ay ku  dowladda sameyso. Waayo Waxay qaadatay waqti aad u dheer, ayay tiri.

Waxay ahayd dhammaadkii bishii Ogosto ayay ku akeyd marka dadka halista ugu jira inay si daran ugu bukoodaan ‘covid-19’ la siiyay fursad ay ku helaan 90 maalmood oo kaalmo dhaqaalo kuwooda aan awoodin inay shaqo tagaan ama ku shaqeeyaan guriga, sababo la xiriira cudurka faafa ee corona Codsigu wuxuu ahaa mid shaqaynaya laga bilaabo 1 Luulyo.

Ilaa maanta, in kabadan 2,400 oo qof ayaa la siiyay kaalmo. Dhamaadkii bishii Sebtembar, lakin dawladda, oo ay weheliyaan Centerpartiet iyo Liberal, ayaa ku heshiiyay in la kordhiyo suurtagalnimada kaalmada 90 ilaa 180 maalmood, maaddaama dhibaatada weli socoto. Laakiin farriinta ku saabsan goorta lacagta la bixin karo dib ayaa loo dhigay.

Försäkringskassan waxay heshay codsiyo ku saabsan kordhinta, laakiin ma bixin karto kaalmo maxaa yeelay go’aan baarlamaanka ayaa loo baahan yahay.

Elisabeth Wallenius, gudoomiyaha Funktionssätt Sverige, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah ay soo mareen waqti aad u adag in dhaqaalahooda la isku soo uruuriyo maxaa yeelay farqi ayaa u dhexeeyay bixinta kaalmada  Laakiin weli way ku faraxsan tahay maanta in dawladdu ay hadda bixinayso ogeysiis.

Fiiro Gaar ah Dadka aan shaqeyn karin waxaa kamid ah Haweynka uurka leh Dadka qaba jirooyinka gaarka iyo Dadka cayilan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here