Home Wararka Caalamka Barlamaanka Norway oo Mamnuucay Guurka Ina Adeerka iyo ina Abtiga (Layaab)

Barlamaanka Norway oo Mamnuucay Guurka Ina Adeerka iyo ina Abtiga (Layaab)

0

Khamiista, aqlabiyada gudiga cadaalada ee baarlamaanka Norway (Stortinget) ayaa u codeeyay in la mamnuuco guurka inaadeerkii. Xisbiga shaqaalaha (AP) iyo xisbiga horumarka (FRP) ayaa u dabaaldegay codbixinta guul.

Gudiga barnaamijka muxaafidka ayaa horaantii dayrta ku dhawaaqay inay u xaglinayaan xisbiga taageera mamnuucida. 

Sida uu qoray wargayska VG, muxaafidka ayaa u codeeyay diidmo laga mamnuucay guddiga cadaaladda khamiistii.

– Arrintani waxay ahayd arrin muhiim u ah xisbiga shaqaalaha iyo guul weyn oo u soo hoyatay xorriyadda haweenka iyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda ay la noolaan karaan, ayay afhayeenka arrimaha isdhexgalka Siri GÃ¥semyr Staalesen oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha u sheegtay wargayska.

“Waxaan u dagaalanay mamnuucida guurka inaadeerkaa ilaa bilowgii 2000,” afhayeenka FRP ee gudiga Per-Willy Amundsen ayaa yiri.

Dalka Norway ayaa ugu horeeya wadamada Scandinavian-ka ii soo saarac Sharciyada ugu cajiibka badan.

Somaliska Oslo

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here