Home Wararka Caalamka Azerbaijan oo war kasoo saartay Duqeynta Armenia ay wado iyo Dhulka ay...

Azerbaijan oo war kasoo saartay Duqeynta Armenia ay wado iyo Dhulka ay la wareegtay

0

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa war ka soo saartay weerarada sii socda ee Armenia ee lagu qaadayo degmooyinka la deggan yahay ee Azerbaijan oo ku yaal meel ka fog aagga colaadda waxana uu ku soo aadayaa iyadoo Azerbaijan ay la wareegtay Deegaano Cusub.

Bayaanka ayaa u qornaa sidan: “Ciidamada Armenia iyagoo si cad u jebinaya waajibaadka ka saran sharciga caalamiga, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee bina-aadamnimada, waxay sii wadayaan duqeymaha ula kaca ah ee lala beegsanayo degsiimooyinka la deggan yahay ee dadka Azerbaijan ku noolyihiin.

Bishii Oktoobar 22 keeda waqti subax ah aagga Azerbaijan waxaa ku soo dhacay gantaallo ballistic ah oo la ganay iyada laga soo riday xeebta Armenia.

Ciidamada qalabka sida ee Armenia waxay 3 gantaal u rideen jihada degmada Siyazan, 2 gantaal jihada degmada Gabala, iyo 1 gantaal jihada degmada Kurdamir, oo ku taal meel boqolaal kilomitir u jirta aaga colaada. Bartilmaameedka ciidamada qalabka sida ee Armenia wuxuu ahaa dadka nabdoon iyo kaabayaasha rayidka.

Ku dhawaaqida gantaalada ku wajahan Siyazan, Kurdamir iyo Gabala degmooyinka Azerbaijan oo kuyaala meelo ka fog dhulkeeda ay qabsadeen, kadib markii magaalooyinka Ganja iyo Mingachevir ay tahay isku day kale oo Armenia ay ku dooneyso inay ku kacdo danbiyo cusub oo argagax leh oo ka dhan ah shacabka nabada Azerbaijan.

Weeraradan ayaa mar kale ka markhaati kacaya isku dayga Armenia ee ah in la balaadhiyo juqraafiga aaga colaaduhu ka jiraan isla markaana ay u adeegaan oo kaliya inay xaalada sii xumeeyaan.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkan gardarada ah ee Armenia waxaana ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaado talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu qasbayo Armenia inay u hogaansato sharciga caalamiga ah iyo waajibaadka caalamiga ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here