Home Wararka Caalamka Azerbaijan oo soo bandhigtay Gadiid Dagaal oo kala wareegtay Ciidanka Armenia

Azerbaijan oo soo bandhigtay Gadiid Dagaal oo kala wareegtay Ciidanka Armenia

0
Photo/AA

Wakaaladda wararka ee ugu sareysa dalka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa Arbacadii maanta soo qabatay sawirada gawaari dagaal oo ay ciidamada Azerbaijan kala wareegeen ciidamada Armenia.

Gawaaruda Dagaalka iyo rar xamuul ah oo ay leeyihiin ciidanka Armenia waxaa la keenay saldhiga militariga Azerbaijan ee gobolka Yevlakh, oo ku yaal meel 265 kiiloomitir ah (qiyaastii 165 mayl) galbeedka caasimada Baku.

Baabuurta militariga ayaa lagu qabtay tuulada Talish oo u dhaw Sugovushan, oo ay horay u daganeyd Armenia, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Azerbaijan oo la hadlay wakaalada Anadolu isagoo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Sarkaalka ayaa xusay in askarta Armenia ay ka tageen gaadiid dagaal iyo saanad fara badan intii Azerbaijan ay dib uqabsaneysay aaga, sarkaalku wuxuu sharaxaad ka bixiyay in gawaarida la keenay saldhiga ay qeyb uun ka yihiin guud ahaan agabkii la qabtay.

Dukumiinti, dareys, kabaha dagaalka, koofiyadaha iyo alaab shaqsiyadeed ayaa laga dhex helay gawaarida lagu qabtay howlgalka.

Madaxweyne Ilham Aliyev wuxuu ku dhawaaqay Oktoobar 3 in askarta Azerbaijan ay calanka dalka dul saareen Sugovushan – oo ay qabsatay Armenia tan iyo 1994 – kadib markii laga xoreeyay xoogagii qabsaday.

Tan iyo markii iska hor imaadyada cusub ay qarxeen Sebtember 27, Armenia waxay sii waday weerarada ay ku hayso shacabka iyo ciidamada Azerbaijan, xitaa waxay jabineysaa heshiisyada xabad joojinta bani’aadamnimada.

Xiriirka labada Jamhuuriyadood ee hore ee Soofiyeedka ayaa xumaa tan iyo 1991, markii militariga Armenia qabsadeen Upper Karabakh, ama Nagorno-Karabakh, oo ah dhul caalami ah oo laga aqoonsan yahay Azerbaijan.

Afar qaraar oo ka soo baxay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyo laba ka socda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale ururo caalami ah, ayaa dalbanaya “in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga saaro ciidamada qabsanaya” dhulka Azerbaijan la haysto.

Guud ahaan, ku dhowaad 20% dhulka Azerbaijan – oo ay ku jiraan Nagorno-Karabakh iyo toddobo gobol oo isku xiga – waxay ku hoos jireen gumeysi sharci darro ah Armenia muddo ku dhow soddon sano.

Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub (OSCE) Minsk Group – oo ay wada gudoominayeen Faransiiska, Ruushka, iyo Mareykanka – waxaa la aasaasay 1992 si xal nabadeed loogu helo khilaafka, laakiin wax natiijo ah lagama gaarin. Xabad joojinta, si kastaba ha noqotee, waxaa lagu heshiiyey 1994.

Quwadaha adduunka, oo ay ku jiraan Ruushka, Faransiiska, iyo Mareykanka, waxay ku baaqeen xabad-joojin cusub. Dhanka kale Turkiga ayaa taageeray Baku xaqa uu u leeyahay isdifaacida wuxuuna dalbaday in laga saaro ciidamada qabsaday Armenia.

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here