Home Wararka Caalamka Xildhibaano isaga baxay Kulanka Barlamaanka Faransiiska oo Haweeney Xijaaban soo gashay

Xildhibaano isaga baxay Kulanka Barlamaanka Faransiiska oo Haweeney Xijaaban soo gashay

0

Mudanayaasha baarlamaanka faransiiska qaarkood  ayaa ka baxay baarlamaanka iyagoo ka mudaaharaadaya hogaamiyaha midowga ardayda oo ka soo muuqday baarlamanka iyadoo xijaaban.

Maryam

Markii Maryam Pougetoux, oo ah hoggaamiyaha ururka ardayda Unef, ay ka soo muuqatay Kulanka Barlamaanka si looga dhageysto baaritaanka si loo baaro saameynta COVID-19 ee dhalinyarada iyo carruurta, ayay xildhibaanka LREM Anne-Christine Lang ku dhawaaqday inay ka baxeyso qolka .

“Ma aqbali karo taas xarunta Golaha Qaranka, in aan aqbalno in qof xijaaban uu ka muuqdo guddiga baarlamanka ee baaritaanka”, ayay tiri.

Mudanayaal kale oo ka tirsan xisbiga garabka midig ee Les Républicains ayaa ka raacay qolka markii ay baxeysay.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka galinkii dambe ee maanta ayay ku sheegtay inay xijaabka u aragtay astaan soo gudbineyso islaam.

Faransiiska ayaa ah kan ugu tirada yar Muslimiinta Galbeedka Yurub, waxaana ku nool ku dhowaad shan milyan oo Muslimiin ah. Mamnuucida xijaabka iyo astaamaha kale ee diinta ee “muuqda” ee dugsiyada dawladda ee Faransiiska ayaa la soo saaray 2004.

Faransiiska ayaa sidoo kale ahaa dalkii ugu horreeyay ee Yurub ah sanadkii 2011 ee ka mamnuuca indho-shareerka, wejiga oo dhan, goobaha dadweynaha.

Turjumay Somaliska Xigasho/5pillars

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here