Home Wararka Caalamka Xerada ugu weyn Qaxootiga Giriiga ee Moria oo dab ka kacay goor...

Xerada ugu weyn Qaxootiga Giriiga ee Moria oo dab ka kacay goor dhow

0

Dab ayaa ka kacay xerada ugu weyn ee muhaajiriinta Giriiga, xarunta oo lagu magacaabo Moria ayaa ku taala jasiiradda Lesbos.

Photo/Reuter

Muhaajiriinta qaar ayaa la daad gureyay Ma jiro wax war ah oo deg deg ah oo ku saabsan khasaaraha maadaama ilaa 25 dab-demiyeyaal ah oo watay 10 Gawaarida Dambamiska ay la daginayaan Dabka.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay in xarunta ugu weyn, iyo sidoo kale guryo ku meel gaar ah oo ku yaal goobtaasi ay gubteen.

Moria waxay hoy u tahay ku dhowaad 13,000 oo qof, waana in ka badan afar jeer tirada ay sida rasmiga ah u hayn karto.

Xerada waxaa la geliyay karantiil toddobaadkii hore ka dib markii soo galootiga ku sugan laga helay cudurka coronavirus. waxana la xaqiijiyay 35 kiis.

Sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in muhaajiriinta ka cararaya dabka ay gawaari boolis ah ka hortaagan yihiin inay aadaan magaalada dekedda leh ee Mytilene.

Kooxda taageerta qaxootiga ee Stand by Me Lesvos ayaa sheegtay inay maqleen warbixinada qaar ka mid ah dadka deegaanka oo weeraraya kana hor istaagaya muhaajiriinta inay maraan tuulo u dhow.

Somaliska Athens

Turjumay Somaliska

Source BBC qeybta world news

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here