Home Wararka Maanta Toogasho ka dhacday Degmada Norrköping oo Qof ku dhaawacmay

Toogasho ka dhacday Degmada Norrköping oo Qof ku dhaawacmay

0

Booliska ayaa baaraya toogasho ka dhacday Klockartorpet oo ku taal Norrköping.

Dhowr qof oo maqlay rasaasta ayaa ku wargaligay booliska waxyar ka dib 10.30 pm fiidnimadii Talaadada. Nin dhaawacmay oo 25 jir ah ayaa la dhigay isbitaalka, booliiskuna waxay rumeysan yihiin in la toogtay.

– Waxaan bilownay baaritaan hordhac ah oo ku saabsan isku day dil. Waxaan isku dayeynaa inaan ogaanno waxa dhacay, ayay Monica Bergström, afhayeenka saxaafadda ee booliska u sheegtay TT.

Goobta fal dambiyeedku ka dhacay ayaa la xidhay booliska ayaana baaritaan ka sameeyay. iyagoo la kulmay dadka goobta ka agdhawaa iyo kuwa daganaa nawaaxiga.

wararka la helayo maanta galinka hore ayaa sheegaya in wali aanan qofna loo qaban falkaasi dhacay.

Somaliska Norrköping

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here